Nairobi (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Kenya ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalkaas.
Kulanka ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, waxayna Xasan Sheekh iyo William Ruto ku gorfeeyeen xaaladaha ka taagan gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.