Xisbullaah oo jawaab deg deg ah ka bixisay weerarkii lagu dilay Talib Sami Abdullah

Posted on

Kooxda Xisbullaah ee ka howlgasha qeybo kamid ah dalka Lubnaan ayaa weerar culus ku qaaday dhulka ay maamusho Israel, kaddib weerar dhinaca cirka ah oo Israel ku dileen hoggaamiye katirsanaa Xisbullaah.

Weerar dhinaca cirka ah oo milatariga Israel ku qaadeen guri kuyaalla magaalada Joya ee dalka Lubnaan waxa ay ku dileen Talib Sami Abdullah oo katirsanaa hoggaanka kooxda Xisbullaah iyo saddex dagaalyahan kale oo la joogtay.

Kooxda Xisbullaah ayaana duqeymo culus mar qura ku qaaday waqooyiga Israel, weerarkan Xisbullaah qaaday ayeyna sheegeen in jawaab u yahay duqeyntii lagu dilay hoggaamiyaha katirsanaa kooxdooda.

War kasoo baxay milatariga Israel ayey ku sheegeen in ilaa 90 gantaal oo laga soo tuuray dhinaca Lubnaan qaarkood kusoo dhaceen waqooyiga Israel, waxa ay sidoo kale sheegeen in madaafiicda qaar hawada looga hortagay.

Israel ayaa sheegtay in aysan jirin khasaaro muuqda oo ay geesteen weerarka gantaalaha ay Xisbullaah kusoo qaaday, waxa ayna xuseen in madaafiicda qaar sababeen in uu dab ka kaco dhul keymo ah.

Weerarkan Xisbullaah ku qaaday waqooyiga Israel ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee kooxda ku qaado dhinaca Israel, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli labada dhinac uu ka dhaxeeyo dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link