Xasan Sheekh oo beeniyay war kasoo yeeray xildhibaano ka tirsan BF

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay si cad u beeniyay inay jiraan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka oo dib u qabsatay Al-Shabaab.

Xasan ayaa meesha ka saaray inay jirto in kooxda dib ula wareegtay goobo markii hore laga saaray oo ciidamada ka baxeen, isaggoo amaanay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka hubeysan oo si wada-jir ah ula dagaalamaya Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu qalad dhici karo, wuxuuna sheegay in hadii la arko qof wax ka qaldameen uu yahay qof wax qabtay, uuna ka wanaagsan yahay midka an wax qabanin, islamarkaana la taageero ciidamada xoogga dalka.

“Dagaal markasta waa guul ama guul-darro, hase yeeshee macquul maaha in la xaqiro ciidamada xoogga dalka iyo deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo ciidanka geesiyaasha ku amaanay sida ay naftooda ugu hurayaan xoreynta dalka.

Hadalka madaxweyne Xasan ayaa imaanaya xilli xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ay sheegeen in deegaano iyo degmooyinkii ay ku baxeen saraakiil muhiim ah ay dib ula wareegtay kooxda, wuxuuna u muuqda hadalka madaxweynaha mid jawaab u ah xildhibaannada.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah oo wejigiisa koowaad uu dardar horleh ku bilowday, islamarkaana kooxda looga xoreeyay degmooyin iyo deegaan muhiim ah oo sanado ka talinayeen, ayaa waxaa bilihii dambe ku yimid gaabis, kaasi oo loo tirinayo hoggaan xumo haysata ciidanka.

Madaxweynaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waday dadaallo dhiig cusub loogu shubayo howl-galka, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka oo dib u dhac weyn ku yimid, wallow uusan illaa hadda wax isbeddel ah ku sameyn hoggaanka sare ee ciidanka.



Source link