Weriye C/qaadir Ciise oo war cusub kasoo saaray khilaafkii kala dhexeeyey Wasiir Al-Cadaala

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Weriye Cabdulqaadir Ciise oo Warbaahinta Qaranka u qaabilsan soo tebinta wararka maxkamadda ciidamada ayaa qoraal cusub ka soo saaray khilaafkii uu baraha bulshada horay ugu faafiyey ee kala dhexeeyey madaxda wasaaradda warfaafinta, gaar ahaan Wasiir Al-Cadaala.

Weriye Cabdulqaadir ayaa soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay “Cudur-Daar” oo madaxda wasaaradda warfaafinta uu ku raali geliyey, isagoo codsaday in laga gudbo wixii dhex maray isaga iyo saaxiibadiisa shaqada.

Cabdulqaadir Ciise ayaa horay u baahiyey muuqaalo iyo qoraalo uu ku weeraray masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka warfaafinta Al-Cadaala, waxaana xusid mudan in wixii ka dambeeyey markii khilaafkaasi uu soo if-baxay aan warbaahinta dowladda laga sii deyn warbixinadiisa oo shaqo joojin lagu sameeyey.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdulqaadir Ciise oo dhameystiran:

Cudur-Daar.

Shaqa kastaahi ee la qabto waxa ay leedahay Dul-duleel iyo cabasho, kala duwanaashahana waa sunna kowni ah, sidaas darteed ayaa nala faray hadii Khilaaf jiro inaan ula laabano kitaabka iyo sunnada.

Sidaas oo kale hadii xeendaabka dowladnimo uu farqi ka Jiro waxaan leenahay heshiisya qoran oo nakala xadeeyo iyo hogaan aan u daba fadhino, waxaan aqbalsanahay toosinta madaxdeyda.

Wax kasto ee na kala gaaray saaxiibadeyda shaqada iyo madaxda wasaaradeyda warfaafinta waan ka garaabayaa, waxaana leeyahay nin wayn oo haftay aan ahee yaan la ii qaban.

Ugu dambayn waxaan ballan-qaadayaa in howlaheyga tabinta ee fariimaha dowladnimada aan Baaqi kusii ahaan doono.

#WarbaahinQaran



Source link