Taliye Sambaloolshe oo xilal cusub u Magacaabay saraakiil ka tirsan NISA

Posted on




Agaasimaha heyadda NISA C/llaahi Sanbaloolshe ayaa maanta sameeyay magacaabiddii u horreeysay tan iyo markii uu la wareegay xilka heyaddaas.

Sambaloolshe ayaa Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir uu magacaabay C/fataax Ibraahim Shaaweeye oo horey u soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir.

Muxiyaddiin Warbac oo labadii sano ee la soo dhaafay ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa isna loo magacaabay xilka Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda NISA.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Nabad sugida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loo magacaabay C/qaadir Xaayow oo ahaa sarkaal ka qeyb qaatay howlgaladii Al shabaab looga saaray degaano ka tirsan Sh/dhexe.




Source link