Tahriibayaal Soomaali ah oo inta la jirdilay lagu daadiyay xuduuda dal u dhaw Ukraine

Posted on

Jimcihii la soo dhaafay oo ay taariikhdu ahayd May 17, ayaa waxay ciidddanka ammaanka dalka Poland gacanta ku dhigeen 5 Muwaadin oo Soomaali ah, kuwaasi oo ahaa muhaajiriin magangelyo-doon ah.

Ciiddanka Ammaanka dalkaasi waxay xireen, kadibna si xun u jir dileen Muhaajiriinta, kuwaasi oo dhaawacyo ka soo gaareen Lugaha iyo qeybo kale.

Muhaajiriinta waxaa la sheegay markii loo geystay Xadgudubkaasi in Gaari lagu qaaday, kadibna lagu daadiyey Xuduudka Xayndaabka Siliga leh ee uu dalka Poland la wadaago dalka Belarus.

Docda kale, Guddiga Xuduudaha ee Belarus (The Belarusian Border Commission) waxay Sabtidii shalay ahayd xaqiijiyeen inay Ciiddanka Poland garaaceen 5 Tahriibayaal Soomaali ah, kuwaasi oo lagu soo tuuray xuduudka Belarus, kadib, markii laga soo tarxiilay dalkaasi.

Qoraal ay Guddiga soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin Aaladda Telegram-ka waxay ku sheegeen inay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Belarus isla maalintii Jimcaha ay ka heleen Muhaajiriinta Soomaalida xadka ay la wadaagaan Poland, iyadoo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo nabaro muujinayo in jir-dil loo geystay.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Muhaajiriinta loo fidiyey Gargaarka Degdega, loona yeeray Dhakhaatiir Takhasusi ah oo ku sameeyey Baaritaano Caafimaad iyo daaweyn.

3 ka mid ah Muhaajiriinta Soomaalida waxaa la dhigay Isbitaalka, iyagoo ay ka muuqdeen dhaawacyo daran ee Lugaha iyo calaamadaha Xadgudubka ee jir dilka.

Sidoo kale, 2 ka mid ah Soomaalida ayaa la sheegay in loo gacan geliyey Hay’adaha Ammaanka, si loogu sameeyo Baaritaanka lama huraanka u ah dhinaca Socdaalka iyo dadka Muhaajiriinta.

Si kastaba, dalka Poland oo si qalafsan kula dhaqma dadka Tahriibayaasha waxaa gacanta Ciiddankooda ku dhintay 4 Muhaajiriin
Ajaaniib ah sanadkan oo keliya.

Tan iyo sanadkii 2021-kii, Muhaajiriin Shisheeye ah oo tiradooda dhan tahay 54 qof ayaa ku dhintay Xuduudaha dalalka Midowga Europe, iyadoo dalka Poland ay ku dhinteen 25 Tahriibe, halka dalka Lithuania ay ku dhinteen 9 Tahriibe iyo dalka Latvia ay 20 Tahriibe ku geeriyoodeen.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

Source link