Suuqa BAKAARAHA oo la burburin rabo kadib markii…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Xirsi Aadan Roobel oo kamid Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay xog ku aadan in la burburin rabo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Xildhibaanka oo shir jaraa’id ugu qabtay Wariyeyaasha afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in markii uu soo dhammaaday dhulkii bannaanka ee danta guud loo soo jeestay dhulka suuqa Bakaaraha, sida kawaanada iyo meelaha kale ee danta guud, sida uu hadalka u dhigay.

Xirsi Aadan Rooble ayaa tilmaamay in qorshahan uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yaboob), wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadka suuqa la siiyay digniin ah inay ka guuraan goobahaasi.

“Maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka amniga Yabooh wuxuu wadaa in dhulka suuqa Bakaaraha la jajabiyo, sida aad la socotaan dadka suuqa digniin ayaa la siiyay markii dhulka bannaanka uu soo dhammaaday ayaa waxaa loo soo jeestay suuqii Bakaraaha” ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa lasoo arkay kawaanadii iyo dhulkii danta-guud ee suuqa dhexdiisa ahaa sida laamihii iyo meelihii ay canshuurta ku qaadeysay dowladda hoose si dad loo siiyo oo dano leh, maadaamd dhulkii bannaanka ahaa uu soo dhammaaday”

Xildhibaan Xiris Aadan ayaa xusay inay soo gaartay cabashada shacabka suuqa, isla markaana ay tahay arrin aan la aqbali karin, uuna farogelin doono baarlamaanka.

“Arrintaa ma aqbaleyno mana yeeli karno karno, haddii aan nahay baarlamaanka Soomaaliya cabashada dadka ayaa noo timid arrintaas waxa ka shaqeynaayana waa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu farriin u diray duqa magaalada Muqdisho oo uu ugu baaqay inuu arrintan soo farogeliyo, si looga hortego burburinta uu sheegay in lagu sameynayo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay dowladdu burburisay dhulal dan-guud ah oo ku yaalla gudaha caasimada, kuwaas oo ay deganaayeen dad shacab ah, waxaana kamid ah xeradii Dab-damiska ee degmada Wadajir iyo sidoo kale xaruntii wasaaradda arrimaha gudaha ee degmada Boondheere.



Source link