Hargeysa (Wararka Maanta) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa shaaciyay inuu ku raad-joogo rag hubeysan shalay kasoo muuqday ololihii xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa.
Raggan oo baraha bulshada kasoo muuqday iyagoo baastoolado iyo qoryo lasoo baxaya intii uu socday isu-soo bixii xisbiga Kulmiye ee shalay.
“Budhcadii qoryaha sidatay ee rasaasta ridaydaysay ee sababtay qaska, isla markaana khatarta galisay nafta shacabka intii uu socday ollolaha xisbiga Kulmiye, waa lagu raad joogaa, dhawaana waala soo xidhi doonaa” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NIA.
Tan ayaa imaneysa xilli uu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu laamaha ammaanka ugu baaqay in wax laga qabto kooxaha rabshadaha sameeyay ee kasoo ag muuqday Kulmiye, iyaga oo ka digay inay khatar amni keeni karaan.
Shalay ayaa waxaa soo idlaaday wareega koowaad ee ololaha doorashooyinka Somaliland, iyadoo maanta uu bilowday wareega labaad ee ololaha, waxayna dhacdada taageerayaasha hubeysan noqotay wax aan horey loogu arag Somaliland.
Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dhankiisa soo saaray digniino la xiriira arrintaan, isaga oo laamaha ammaanka faray inay tallaabo adag ka qaadan shaqsiyaadka ku kacay falkaasi.
Komishanka ayaa horey ganaaxyo ugu riday xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo iyagu haatan uu ka dhaxeeyo loolan adag oo doorashada Madaxtooyada ah.