(Sawirro) Aadan Macalin Cali oo isku soo dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere

Posted on




Aadan Macalin Cali Yarow oo ka soo goostay Al-shabaab ku sugan koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa iska soo dhiibay deegaanka Baraag-Garguurte oo hoostaga Xarardheere, waxaana lagu soo dhoweeyey gacmo furan, sida ay noo sheegeen saraakiisha gacanta ku heysa.

Aadan ayaa sheegay inuu u adkeysan waayey nolosha adag ee duurka ku heysata al shabaab iyo howlgallada socda ee ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay Mudug ka wadaan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney ninkan u sameyn doonaan dhaqan celin, lana marin doono nidaamka loogu tgalo galay xubnaha ka soo goostay al shabaab ka hor inta aan bulshada lagu sii dhex deyn.




Source link