Qoorqoor oo xariga ka jaray Mashruuc cusub, Mid kalena dhagax dhigay (Sawirro)

Posted on

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Cadaado iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada ayaa xarigga ka jaray suuqa cusub ee xoolaha.

Suuqan oo dhawaan la dhisay ayaa mid ah mashruuca barwaaqo oo ka socda Galmudug.

Dhinaca kale, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhagax dhigay mashruuc ballaaran oo 117-guri oo min laba qol iyo Musqul ah loogu dhisayo dadka soo barakacay iyo kuwa ay abaaruhu saameeyeen.

Mashruucan oo ay fulinayso hay’adda NRC waxaa taageeray UNHCR, isagoo qayb ka ah mashruuca xalalka waara.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa dhagax dhigay Ceel-biyood riig ah oo xaafadaas cusub laga hirgalinayo, kaas oo ay fulinayaan Direct Aid iyo NRC.

Source link