Nin madax xanuun joogta ah ka cabanayay oo xaalad layaab ku noqotay loo sheegay !

Posted on

Nin 52-sanno jir ah oo u dhashay dalka Mareykanka oo si joogta ah uga cabanayay xaalad madax xanuun ah oo kusoo noq noqday, ayaa loo sheegay war aad uga yaabiyay oo sabab u ahaa xanuunka hayay.

Bukaankan ayaana wax ka dheefi waayay daawoohyin kala duwan uu qaatay,waxa ayna xaaladiisa noqotay mid dhaqaatiir badan isku ballansanaan si ay u ogaadaan xalna ugu raadiyaan xanuunkan ninkan haya.

Baaritaanno kala duwan oo ninkan lagu sameeyay kaddib ayaa la ogaaday in ninkan madaxiisa gaar ahaan maskaxdiisa ku noolaa gooryaan weyn oo dhogor leh, taa oo sababtay in ninkan xanuun joogta ah uu qaado.

Dhaqaatiir ku sugan gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ninkan bukaanka ah oo magaciisa la qariyay maskaxdiisa lagu arkay gooryaan, waxa ayna xuseen in gooryaankan in muddo ah maskaxda ninkan ku dul noolaa.

Dad badan ayaa xaalado nuucaan ah marar kala duwan la kulmay, kuwaa oo gudaha calooshooda ama maskaxdooda loogu tagay bahalo iyo sidoo kale waxyaabo  kale oo xaaladooda caafimaad wax badan u dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link