Muxuu yahay shirqoolka ay Itoobiya la damacsan tahay Soomaaliya ee la ogaaday?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda xoogan ee diblumaasiyadeed ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haddana la ogaaday shirqool ay Itoobiya la damacsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlayay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay isku dayeyso inay Soomaaliya ka horkeento dalalka dariska ah, iyada oo ka faa’iideysanaya xiisadda haatan taagan ee kasii dareysa.

Fiqi ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay fasiraad qaldan ka bixineyso Soomaaliya, ayada oo la wadaageyo waddamada taageera Soomaaliya, si ay hoos ugu dhigaan taageerada ay haatan siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo arrintan si gaar ah ula wadaagay guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka ayaa sheegay in Itoobiya ay u tegtay dalal dhowr ah oo xiriir la leh Soomaaliya, isla markaana ay u sheegtay in dowladda federaalka aysan dooneyn inay wada-hadal la gasho Itoobiya, si xal loogu helo xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda.

Ujeedka ay Itoobiya ka leedahay qorshahan ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu yahay in Soomaaliya loo arko dal qaldan, kadibna ay waddamada dariska iyo kuwa kale ee caalamka kala laabtaan taageeradooda iyo xiriirka diblumaasiyadeed intaba.

“Waxay doonaysaa Itoobiya in Soomaaliya loo arko inay gardaran tahay oo ay wada hadalka diiddan tahay, kaddibna waddamaas inta ay dhex dhexaad noqdaan ay la laabtaan taageeradii ay siin lahaayeen Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli Itoobiya ay faragelin toos ah ku hayso arrimaha Soomaaliya, iyada oo la macaamileyso maamul goboleedyada dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisadda labada wadda ay yeelatay waji cusub, kadib hubkii ka yimid Itoobiya ee lasoo galiyay Galgaduud, kaas oo lagu boobay degmada Caabudwaaq, kadib markii uu gacan galay maleeshiyaad hubeysan iyo shacab.



Source link