Muhiimad intee la’eg ayay leedahay xarunta uu maanta xarigga ka jaray R/W Xamza?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, isaga oo xarigga ka jaray xarum muhiim ah oo qaban doonto adeeg ay u baahan yihiin shacabka.

Munaasabadda xarig-jarka xaruntan cusub ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, Xildhibaanno, madax ka socota Ururrada Bulshada, Saraakiil matalaysa Ciidanka Boliiska, qaar ka mid ah ehellada dadkii uu saameeyay weerarkii Soobe 2 iyo marti kale oo kaalin weyn ku lahayd dhismaha xarunta iyo guud ahaan howlihii gurmad ee ka dhashay musiibooyinkii dalka ka dhacay.

Xamza ayaa maanta daah-furay Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo dadka ku wax-yeellooba musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyeen oo laga hirgaliyay gudaha Isbitaalka weyn ee Madiina.

Xaruntan cusub ee maanta xarigga laga jaray ayaa halkii mar qaabili karta 200 oo qof oo u baahan gargaar deg-deg ah, waana xaruntii ugu weyneed ee dalka laga hirgaliyo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa boggaadiyay hirgelinta xaruntan muhiimka ah, wuxuuna sheegay inay wax badan ka qaban doono xaaladaha deg-degga ah.

Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo hormuud u ahaa dadaallada ku aaddan dhismaha xaruntaan ayaa xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wax badan ka barteen dhacdooyin hore u dhacay, maantana la diyaar-garoobay lana taaba-galiyay xarumo loogu adeego bulshada haddii musiibooyinku soo laabtaan.

Si kastaba, daah-furka xaruntan ayaa ku soo aadday laba sano kadib qaraxii Soobe 2 ee dhacay 29-kii October 2022, waxaana lagu dhisay dhaqaale uu Guddiga Gurmad Qaran oo ka kooban Wasaaraddo heer Federaal ah, Hay’adda SoDMA iyo Ururrada Bulshada Rayidka ka aruuriyay dadka Soomaaliyeed.



Source link