Maxaa ku qoran warqada uu Cabdi Xaashi ka helay masuulka u sareeya barlamanka Carabta?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) — Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa xafiiskiisa soo gaartay warqad ka timid guddoomiyaha baarlamaanka Carabta Maxamed Axmed Al Yamaaxi.

Warqaddan ka timid Al-Yamaaxi ayaa ugu horreyn waxaa loogu hambalyeeyay guddoomiyaha, kaalinta Senator Cabdixakiim Macallin Axmed iyo dadaalkiisa ku aaddan ku guulaysiga xilka guddoomiye ku-xigeenka guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha ee barlamaanka Carabta.

“Mudane Guddoomiye, waxaan fursadaan uga faa’iidaysanayaa in aan kuu xaqiijiyo sida ay iiga go’an tahay in aan adkayno xiriir wada-shaqayneed oo sal adag oo ay yeeshaan Aqalka Sare iyo baarlamaanka Carabta,” ayaa lagu yiri warqadda uu guddoomiyaha baarlamaanka Carabta usoo direy Cabdi Xaashi.

Wada-shaqeynta labada dhinac ayaa muhiim u ah baa lagu yiri qoraalka, “si aan ugu wada adeegno qadiyadaha qaran ee ay wadaagaan dowladaha ku midaysan Ururka Jaamacadda Carabta”.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Carabta ayaa uga mahad-celiyay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi taageerada iyo garab istaagga xilliga olilihiisa doorashada.

Waxa uuna guddoomiye Cabdi Xaashi uga mahad-celiyay hambalyada iyo ku boorrinta inuu la yimaado xil gudasho wanaagsan ka dib ku guulaysiga xilka guddoomiyaha barlamaanka Carabta labada sano ee soo socota.

Ugu dambayntiina guddoomiye Cabdi Xaashi oo guddoomay dhambaalka hambalyada ah iyo mahad-celinta, ayaa u rajeeyey guddoomiyaha baarlamaanka Carabta Maxammed Axmed Al Yamaaxi caafimaad, waajib gudasho joogta ah iyo ka shaqaynta shuruucda horumarka u horseedaya dakalka carabta.



Source link