Mareykanka oo ka walaacsan booqashada Putin ku tagayo Pyongyang

Posted on

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa la filayaa inuu maanta  gaaro Kuuriyada Waqooyi, waana booqashadiisii ​​ugu horreysay muddo 24 sanno ah, isagoo hoosta ka xarriiqay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee ku hubeysan Nukliyeerka.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un ayaa casuumaad u fidiyay Putin markii Kim uu booqday bariga Ruushka bishii September, halkaasoo ay ku yeesheen wada-hadalladii ugu horreeyay tan iyo 2019-kii.

Putin ayaa markii ugu dambeysay booqdey Pyongyang bishii Luulyo ee sannadkii 2000, afar bilood kaddib markii loo doortay madaxweynaha.

Waxa uu la kulmay hoggaamiyihii dalkaas ee xilligaas, Kim Jong Il oo ah Kim Aabbihiis oo markii dambe geeriyooday.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga mahadceliyey Kuuriyada Waqooyi taageerada ay ku taageertay ficillada uu ka wado Ukraine, wuxuuna sheegay in dalalkooda ay si dhow isaga kaashan doonaan sidii looga gudbi lahaa cunaqabateynta uu Mareykanku hoggaaminayo.

Faallooyinka Putin waxay ka soo muuqdeen qayb ka mid ah warbaahinta dawladda Waqooyiga Kuuriya saacado ka hor imaatinka la filayo inuu booqdo illaa.

Caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang, waxaa waddooyinka lagu qurxiyay sawirada Putin iyo calanka Ruushka.

Maraykanka iyo xulafadiisa Aasiya ayaa isku dayaya inay ka shaqeeyaan ilaa iyo inta uu Ruushku ka taageeri doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, kaasoo wadankiisu yahay kan kaliya ee sameeyay tijaabada hubka Nukliyerka qarniga 21-aad.

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xiriirka labada dal, iyadoo afhayeenka Golaha ammaanka ee Aqalka , John Kirby oo ka hadlay booqashada Putin uu sheegay; “ Kama walaacin safarka, waxa aan ka walaacsanahay waa xiriirka qotoda dheer ee labadan dal, ma ahan kaliya saameynta uu ku yeelan doono dadka Ukraine, sababtoo ah waxaan ognahay in gantaalada ballistic-ga ee Kuuriyada Waqooyi wali loo isticmaalo bartilmaameedyada Ukraine, laakiin sababtoo ah waxaa jiri kara xoogaa isdhaafsi ah oo saameyn kara ammaanka gacanka Kuuriya.”

 

Source link