Madaxweyne Xasan oo lagu dhaliilay ka qeyb galka Shirar ka hooseeya maqaamkiisa

Posted on

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan waddamo kuyaalla Qaarada Yurub, waxa uuna halkaasi uga qeyb galay shirar dhowr ah oo qaarkood looga hadlayay arrimo khuseeya dalkeenna.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka qeyb galayo qarash badana ku bixinayo shirar uu sheegay in qaarkood ka hooseeyaan maqaamkiisa.

”Waxaa muuqata in madaxdii dalka, gaar ahaan Madaxweynaha ay shir u joog noqdeen, xitaa haddii uu shirku yahay mid ka hooseeya maqaamkiisa iyo muhiimadda qaranka uu metelayo, culaysna ku ah qasnada qarankan tabaalaysan” ayuu yiri CC Warsame.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ka qayb galka kulamada caalami ah ay yihiin qayb ka mid ah diblomaasiyada, ayna madaxda fursad u siinayso in ay dalka ku matalaan fagaarayaasha caalamka, balse waxa uu dhaliilay shirarka madaxda Soomaalida qaarkood ka qeyb galaan.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in loo baahan yahay in shirarka madaxda Soomaalida ka qeyb galayaan uu noqdo kuwa u dhigma qarashka , waqtiga iyo tamarta ku baxeysa wax dalkeenna faa’iido kasoo galeysa.

”Waa in laga eegaa in ay kulamadaasi u dhigmaan qarashka, waqtiga iyo tamarta ku baxaysa, ajendaha shirka iyo sida uu xiriir ula leeyahay danaha dalka, heerka matalaada shirka iyo natiijada laga filan karo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalka kasoo yeeray xildhibaankan mucaaradka ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu shirar uga qeyb galayo dalal kuyaalla Yurub, kuwaas oo qaarkood la sheegay in maqaam ahaan ka hooseeyo ka qeyb galkooda Madaxweynaha dalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link