Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka oo mar kale helay muddo kordhin farsameysan !

Posted on

Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Watashiga Qaran ee socday, waxaana shirka laga soo saaray war-murtiyeed shaki badan dhaliyay oo muujinaya in muddo kororsi farsameysan loo sameeyay madaxda maamulada.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa muddo xileedkoodu dhammaaday marka laga reebo maamulka Puntland oo doorasho ka dhacday, waxaana mar kale dhammaad ku dhaw muddo sannad ah oo horey maamulada qaar loogu daray.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa laga sugayay in lagu caddeeyo in dhammaadka sannadkan dowlad goboleedyada doorasho ka dhaceyso, hasa ahaatee war-murtiyeedka shirka kasoo baxay loogama hadlin arraimaha doorashooyinka maamul goboleedyada.

Sida muuqata qodobada shirka kasoo baxay ayaa loo fasiran karaan in madaxda maamulada mar kale heleen muddo kororsi farsameysan, waxa ayna ku heshiiyeen in arrimaha doorashooyinka hoos loo dhigo iyaguna shaqadooda iska sii wataan.

Qodobka afaraad ee war-murtiyeedka shirka kasoo baxay ayaa muujinaya in dowladda Federaalka ay ku guuleysatay inay meel mariso qodobbo loo fasiran karo xoojinta damaceeda muddo kororsiga, iyada oo mar marsiiso laga dhiganayo doorasho qof iyo cod.

Madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa horey shirka ula tagay in muddo kororsi muddo labo sanno ah loo sameeyo , ama loo oggolaado in ay qabsadaan doorashooyin iyaga garwadeyn ka yihiin si mar kale dib loogu soo doorto.

Waxaa hadda muuqata in Madxaweyne Xasan Sheekh muddo kordhin mar kale u sameeyay maamul goboleedyada, si isagana muddo kororsi u sameesto, iyada oo mar marsiiyo laga dhiganayo doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link