Kulan Arrin muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir (Sawirro)

Posted on

Waxaa xalay xarunta dowladda hoose ee Xamar ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka booliiska iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda Mudane Cali Xoosh ayaa guddoomiyey kulanka guddiga ay xalay isugu yimaadeen kuna arrinsanayeen.

Kulanka ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro iyo taliyaal ciidan oo qeyb ka ah guddiga qaban qaabada ayaa looga hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa xuska maalmaha xuriyadda ee fooda nagu soo heeso.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay qorshayaasha iyo kaalinta ay guddiga ka qaadanayaan maalmaha qaran ee 26 june iyo 1-da Luulyo , waxa ayna isku raaceen in lasii wado kulamada looga arrinsanayo weeneyn xuska maalmaha xuriyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Source link