Ku dhowaad 100 qof oo ku dhintay Spain, kadib markii…

Posted on




Valencia (Wararka Maanta) – Ugu yaraan 95 qof ayaa ku dhintay daadadkii ugu dhimashada badnaa ee ku dhuftay Spain taariikhdeedan casriga ah, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobolka bari ee Valencia.

Maamulka Valencia ayaa sheegay, in fatahaaddu qaadday buundooyin iyo dhismayaal, isla markaana burburisay waddooyinka qaar.

Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegay in roob dhibicidiisu iyo biyahiisa u dhigmaan sannad, uu muddo 8 saacadood gudahood ah ku da’ay Valencia Talaadadi.

Taasi ayaa sababtay in ay buux dhaafaan waddooyinka waaweyn iyo dhul-beereedka gobolkaas oo soo saara saddex-meelood laba meelood khudradda liinta mambeelmada ee laga beero Spain.

Waaxda Gurmadka deg dega ah ee gobolka bari ee Valencia ayaa xaqiijiyay dhimashada 92 qof Arbacadii. Labo kale waxay ku dhinteen gobolka deriska la ah ee Castilla La Mancha, halka koonfurta Andalusiya laga soo sheegay hal dhimasho.










Source link