Kahor shirka Washington, Soomaaliya oo kulamo muhiim ah la yeelatay…

Posted on

Washington (Wararka Maanta) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduun iyo IMF oo ay ka soo qayb-galayaan in ka badan Boqol dal, ayaa kulamo ka wada Washington DC.

Kahor furitaanka guud ee shirka waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda Bangiga iyo IMF, si looga gungaaro natiijada iyo geediga horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wafdiga uu hogaaminayay wasiir Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Marwo Victoria Kwakwa.

Kulanka ayaana diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jirto qorshaha dib-u-cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), dib-u-habaynta koboca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Kulan kale oo muhiim u ahaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayey wafdigu la qaateen Mudane Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia, kaas oo si gaar ah loogu lafa-guray hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya, kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay, kulanka labada dhinac ayaana kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.

Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Washington DC ayaa socon doona muddo toddobaad ah.

Waxaa la filayaa marka laga tago kulamada guud ee loo dhan yahay in Wafdiga dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulamo docoodyo lagu hormarinayo xiriirada dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, kuwaas saldhig u noqon doona horumarinta tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya.



Source link