Hogaamiyihii Xamaas oo lagu dilay IRAN

Posted on




Tehran (Wararka Maanta) – War uu goor dhaw uu baahiyaya telafishanka qaranka Iran oo ay soo xigteen wakaaladaha wararka ee AP iyo Rueters ayaa sheegaya, in hogaamiyaha ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya lagu dilay Tehran, aroornimadi hore ee Arbacada maanta.

Bayaan isna kasoo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu khaarijiyay caasimadda Iran.

Xamaas ayaa sidoo kale ka tacsiyeeysay dilka hogaamiyahooda, iyaga oo bayaankooda ku sheegay in Haniyah lagu dilay weerar ay ku sheegeen in Sahyuuniyadda ay ku qaadday gurigi uu ka deganaa Tehran.
Haniyah ayaa Talaadadi shalay ka qeybgalay munaasabaddi dhaarinta madaxweynaha cusub ee Iran.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyadda dilka Ismaaciil Haniyah, hase yeeshee horay ayay Isra’il wacad ugu martay in ay dili doonto madaxda ururka Xamaas.

Ismaaciil Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar.










Source link