Hogaamiye afgembi ku qabsaday xukunka oo muddo kordhin dheer sameystay

Posted on

Saraakiisha millatari ee afganbiga kula wareegay awoodda waddanka Burkina Faso ayaa sii heyn doono xakunka shanta sano ee soo socota, go’aankaas ayaa kasoo baxay wadahadallo qaran oo looga tashanayay aayaha dalkaasi oo maalmahan socday.

Sida ku cad xeer cusub oo uu shalay saxiixay hogaamiyaha dalkaasi Ibrahim Traore, milatariga ayaa xakunka sii joogi doono muddo 60 bilood ah oo ka billaabmeysa 2-da bisha July.

Bayaanka kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in doorasho soo gaba gabeyn doonto dowladda ku meel gaarka ah la qaban doono ka hor inta aanan la gaarin waqtiga loogu kordhiyay kooxda afganbiga sameysay, waa haddii xaaladaha amni ay u saamaxaan bay yiraahdeen.

Millatariga ayaa awoodda dalkaasi dhaca Galbeedka Africa la wareegay talada, sannadki 2022-ki, kaddibna ballan qaaday in ay qaba doonaan doorasho bisha July ee sannadkaan si dalka loogu soo celiyo dowlad rayid ah, hase yeeshee sheegay in amniga ay siinayaan tixgilinta koowaad.

Source link