GAZA oo gashay xaalad si weyn looga dayrinayo – Maxaa soo kordhay?

Posted on

Gaza (Wararka Maanta) – Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in inka badan hal milyan oo qof oo ku nool bartamaha iyo koonfurta Gaza bishii Agoosto ee tagtay aysan helin sahay caafimaad iyo gargaar cunto.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xaaladda bini’aadanimo ee Gaza ay weli tahay mid ka baxsan ama ka sareysa masiibooyinka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in millatariga Israa’iil ay diidayaan in kooxaha caafimaadka ee xidhiidhka la leh ololaha tallaalka dabaysha ay gaaraan aagagga ku yaal koonfurta gobolka.

Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu fashiliyay heshiis xabbad joojin ah oo uu diiday in uu ka soo saaro ciidammada xadka Qaza ee Masar.

40,878 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza, halka dhaawaca la tilmaamay in uu marayo 94,454 tan iyo markii uu bilowday dagaalka ee 7-dii October ee sanadkii tagay.

Dhinaca kale, xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in lagu guul daraystay soo afjarista heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil ee ku jira gacanta kooxaha Falastiiniyiinta.

Walaaca golaha ammaanka ayaa imanaya, xilli ay sii kordheyso colaadda Falastiiniyiinta iyo Isra’aa’iiliyiinta, iyada oo todobaadkan lasoo helay meydadka lix ka mid ah la heystayaasha Israa’iiliyiinta iyo halka tobnaan Falastiiniyiin ah lagu dilay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed.



Source link