Baraawe (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xayiraad la saaray dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalo xeebeedka Baraawe oo la filayo inay ka dhacdo doorashada golaha deegaanka degmadaasi.
Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in sababta loo hakiyay dhaq-dhaqaaqa ay tahay doorashada, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ammaanka ay suagayaan ammaanka guud ee magaaladaasi.
“Doorashadii golaha deegaanka degmada Baraawe ayaa waqtigeeda la gaaray guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeenno ayay dooran doonaan, waxayna qayb ka tahay maamul daadajinta dowladaha hoose ee Koonfur Galbeed” ayuu yiri wasiirku.
Xasan Cabdulqaadir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xittaa la joojiyay duulimaadyadii diyaaradaha, balse galabta ama beri dib loo furi doono maadaama ay dhamaaneyso doorashada.
“Diyaaradaha waxay u hakadeen doorashada darteed, maadaama dadkii raaci lahaa ay howlahaas ku jiraan” ayuu yiri wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa farnay ciidamada in la adkeeyo amniga wadooyinka inta ay socoto doorashada, sidoo kalena la baaro dadka soo galaayo iyo kuwa baxaayo”.
Baraawe ayaa ah caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana ka howlgala ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda oo iska kaashada amnigeeda