Duqa Muqdisho oo caawa la xisaabtamay maamulada afar degmo ammarana siiyay (Sawirro)

Posted on

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo aqalka dowladda hoose ee Xamar kula yeeshay heerarka kala gedisan ee maamulada degmooyinka, Warta Nabadda, Shangaani, Boondheere iyo Xamarweyn.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Maamulada afarta Degmo ee Shangaani, Boondheere, Xamarweyne iyo Warta Nabadda, kaasi oo ay kusoo bandhigeen horumarada kala gedisan ee ka jira degmooyinkaasi iyo caqabadaha heysta, iyagoona dhinaca kale xusay in ay wadaan qorshayaal horumarineed oo ay ka fulinayaan degmooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay maamulada degmooyinka in ay dardar-geliyaan adeegyada ay u haayaan Bulshada, isla markaana si dhaw loogu war haayo bulshada lana gargaaro dadka dantayar.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo ,kale faray maamulada degmooyinka uu la xisaabtamay in la xoojiyo la-dagaalanka maan-dooriyaha, anshax-xumada iyo soo celinta bilicda iyo nadaafada degmooyinkaasi.

 

Source link