Boosaaso (Wararka Maanta) – Daacishta Soomaaliya ayaa si weyn uga faa’iideysatay xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo maamulka Saciid Deni.
Kooxdan oo haatan dagaal-yahanadeeda ku sugan yihiin gobolka bari ee Puntland ayaa waxaa soo baxeysa in ay dakhli ka badan boqol kun oo dollar ay bishii ka soo xareyso lacaga ay kasoo aruuriso xarun ganacsiyadeedka Puntland ee Boosaaso.
Lacagahan ayaa waxay kooxda baad ahaan uga qaada shirkadaha isgaarsiinta iyo ganacsiyada kale ee waaweyn ee ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka bari.
Tan ayaa muujineysa sida Daacish ay uga faa’iidaysatay xasillooni darrada ka jirta magaalada Boosaaso, iyadoo kooxda ay dadaal badan ku bixineyso sidii ay kor ugu qaadi laheyd dhaqaalaha uga soo xarooda gobolka.
Daacishta Soomaaliya oo haatan noqotay xarun lagu bixiyo lacagaha lagu taageero howlaha ISIS ee dibadda ayaa sidoo kale ku lug leh ganacsiga sharci darrada ah ee dhoofinta dhuxusha ee waddamada Khaliijka.
Maal-gelinta argagixisada ISIS ayaa laga digayaa sida ay khatar weyn ugu tahay amniga gudaha iyo xasilloonida dalal badan oo Afrikaan ah.
Maamulka Puntland oo si weyn loogu dhaliilo in uusan qorshe ka laheyn kooxda ku xidideysatay gudaha maamulka, ayaa dhawaan sii daayay inay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Daacish.