Cali Guudlaawe oo shaaciyay inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah

Posted on

Jowhar (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan socdaal ku marayo deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaasi.

Cali Guudlaawe oo gaaray degmada Jalalaqsi aya kaga dhawaaqay inay HirShabelle ka qabanayaan doorashooyin qof iyo cod ah oo shacabka ay ka qayb-galayaan.

Sidoo kale wuxuu shacabka degmadaas ku amaanay sida ay u xaqiijiyeen amniga, taasi beddalkeeda waxa uu sheegay inay gaarsiin doonaan doorashooyin qof iyo cod ah.

Waxaa kale oo uu ballan qaada in bulshada ay u sameyn doonaan mashaariic hormarineed oo waxtar u leh dadka iyo deegaankaba.

Dhinaca kale madaxweynaha HirShabelle ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka kasoo horjeeda, wuxuuna tilmaamay in kaliya ay wax kusoo Facebook, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aad sidaan amniga u xaqiijiseen ballan waxaa ah inaan annaguna mashaariic fara badan oo ay Ummadda ku faraxdo inaan keeno dadka Facebook-ga wax ku qoraayo waxaan leenahay waxaan arkeena waxa aad keentaan, annagana waxaan qabano ayaa la arki doonaa, bulshada qof iyo cod ayay tagee” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle.

Waxaa kale oo uu bulshada HirShabelle uga mahadceliyay sida ay ugu soo dhaweeyeen deegaanadii uu booqday oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, wuxuuna intaasi kusii daray in dadaalladiisa horumarineed uu kasii wadi doono halkaasi.

“Guud ahaan Ummadda ku nool HirShabelle waa u mahadcelinayaa, gaar ahaan degmada aan ku suganahay ee Jalalaqsi, waana ku mahadsan tihiin sida aad noo soo dhaweyseen” ayuu mar kale yiri madaxwyene Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalado adag ay ka jiraan HirShabelle, sida arrimaha ammaanka oo sidii la rabay aan ahayn, khilaafaad dhanka maamulka ah, waxaana la is weydiinayaa sida uu go’aankiisa uga dhabeyn karo Cali Guudlaawe.



Source link