Booliiska Muqdisho oo Shaaciyay Sababta ay u xir xirayaan dadka dhaqan xumada wada

Posted on

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgalo balaaran ay kula dagaallamayaan dadka dhaqanxumada magaalada ka wada, iyo sidoo kale kuwa ka shaqeenaya qabyaalada iyo kicinta dadweynaha.

War caawa kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in sababta ay ula dagaallamayaan anshax-xumada ay dhallinyarada qaar ka wadaan Muqdisho ay tahay in asluubta dhallinyarada oo la dhiso .

”Sababta aan xooga u saareyno la dagalanka anshax-xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asaluubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaana ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed in ay isha ku hayaan carruurtooda ayna kula xisaabtamaan dhaqanxumada ay sameenayaan , sidoo kale kala shaqeeyaan booliiska sidii loo suulin lahaa dhaqanxumada.

Warkan kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli xabsiyada Muqdisho ku xir xiran yihiin dad badan oo ku eedeysan dhaqanxumo , iyo sidoo kale kuwa kale oo iyana qabyaalad , kicin dadweyne iyo aflagaado geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Source link