Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socda DF oo hal arrin u tagay Kismaayo (Sawirro)

Posted on

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Maareeyaha hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde oo howlo shaqo u yimid Jubaland.

Masuuliyiinta ka socday hay’ada NIRA ayaa Jubaland u yimid aragti ururin ku aadan diiwaan galinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, Qorshe daah-furka xarunta hay’adda NIRA ay ku yeelanayso Jubaland iyo sida ugu fudud ee loo gaarsiin karo adeeggan heer degmo, heer deegaan ilaa heer tuulo.

Dhinaca kale, Magaalada kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa lagu qabtay  kulanka wacyigalinta iyo daadajinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland,  Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka mudane Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Jubbaland, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda  Caafimadka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee degmada Kismaayo.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay  Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka ayaa ujeedkiisu daaranyahy aragti aruurin Bulsho iyo Hogaamiyaasha  ee ku aadan diiwaan galinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, Qorshe daah-furka xarunta Hay’adda NIRA ay ka furayso magaalada Kismaayo, iyo sida ugu fudud ee loo gaarsiin karo adeeggan heer degmo, heer deegaan ilaa heer tuulo.

Maxamed Ibraahim Ogle Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaralka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid mira dhal ah, muhiimna ay tahay in marwaliba lagu shaqeeyo xog aruurinta Bulshada, sidoo Kale Wasiirka ayaa tilmamay mudnaanta ay leedahay in lala tashado Bulshada.

Source link