Yaa lala eegtay Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Marka cadeey Ee Sh/Hoose?

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo maanta ka dhacay caasimada gobolka shabelalha Hoose Ee Marka cadeey,iyadoo jugta qaraxa laga maqlay meelo kala duwan Xaafadaha Marka.

Nuuca qaraxa maanta ayaa ahaa sida la sheegay miino dhulka lagu aasay,mana jirin cid gaar ah oo la og yahay lagu beegsaday.

Garaashka Cawaale oo dhabarka saldhiga booliska Marka ku yaalla ayaana uu meel kudhaw qaraxa ka dhacay iyadoo seddex qof uu dhaawac soo gaaray.

Waa markii labaad oo qaraxa ka dhaco garaashkaan iyadoo afar bil ka hor gaari waxyaabaha qarxa lagu diyaarinayey uu qarax ka dhacay.

Ciidamada Amniga ayaa sheegay in baaritaano sameenayaan xilli shacabka ay ka dalbadeen wada shaqeyn lala sameeyo si looga hortego Amniga magaaladaasi kuwa qal qal gelinaya.

 

Source link