Home DAAWO Yaa hortaagan doorashada Soomaaliya Daawo Warbixin Xasaasi Ah

Yaa hortaagan doorashada Soomaaliya Daawo Warbixin Xasaasi Ah

Waxaa sida muuqata dib udhacay jadwalkii doorashada labada aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya la filayey,marka loo eego xilligii lasoo gudbiyey.

 

Doorashada Xildhibaanada aqalka sare ayaa loo qorsheeyey inay kusoo dhamaato 25-ka july ilaa bilowga Agoosto,balse taasi ma aysan dhicin oo agoosto ayaa dhamaad ah welina Aqalka senet-ka dalka ma aysan soo dhameystirmin.

 

10 Agoosto 2021 ilaa 10 September sida jadwalkii lasoo saaray 29-kii Juun uu cadeenayey waxa uu ahaa in doorashada Golaha shacabka lasoo dhameystiro,hayeeshee Iyana taasi dib udhac ayaa ku yimid.

 

Dhawaan qoraal kasoo baxay R/wasaare Rooble waxa uu ku dalbaday in loogu soo duceeyo howsha adag islamarkaana uu dhinacyo tabasho qaba hadii ay jiraan uu la fadhiisan doono.