Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay Baydhabo





Baydhabo (Caasimada Onine) – Wararka laga helayo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada ammaanka maamulkaas ay howlgallo culus ka bilaabeen magaalada Baydhabo, kadib markii la sheegay inay gudaha u galeeb xubno Al-Shabaab ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa shaaciyey inay heleen xog sheegaya in magaalada ay soo galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonaya inay weeraro ka geystaan magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay bilaabeen baaritaano iyo dabagal ay ku hayaan xubnaha Al-Shabaab, si looga hortago falal amni darro ah oo ay ka geystaan halkaasi.

Ciidamada howlgalka wada ayaa baaraya gaadiidka iyo dadweynaha, waxayna sidoo kale baaritaano ka wadaan baraha koontarool ee laga soo galo magaalada.

Dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ayaa kusoo aadayo, xilli shalay saaladdii Jimcaha kadib qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo lagu dilau wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed iyo wiil uu dhalay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhowaad 10 qof oo kale.

Weerarkaan waxaa sidoo kale ka horreeyey qarax kale oo ka dhacay magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi, Cabdullaahi Cali Waafow & dad kale.

Sikastaba, Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad amni tii ugu darneyd, waxaana madaxweyne Lafta Gareen uu kulan isugu yeeray saraakiisha maamulkaasi.



Source link