Home Warka Maanta Xogtii ugu dambeysay khilaafka Mahdi iyo Cabdi Xaashi iyo arrinta kuraasta Gobalada...

Xogtii ugu dambeysay khilaafka Mahdi iyo Cabdi Xaashi iyo arrinta kuraasta Gobalada Waqooyi oo wali…

Kadib markii RW Rooble u jeediayay Gudoomiyaha aqalka sare in uu guddiga ka qaato 5 xubnood, taas oo ay ku qanci waayeen xubnaha gobolada waqooyi ee garabka Cabdi Xaashi ayaa shir jaraa’id oo uu Cabdi Xaashi qaban lahaa waxaa caawa ka gaaray Ra’iisalwasaare Rooble oo la hadlay Xubno ka tirsan maamul goboleedyada ay gacan saarka leeyihiin groupka Cabdi Xaashi.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka carooday in Xubnaha Guddiga Gobolada Waqooyi oo 15 ah laga siiyo 5 xubnood, halka inta kalena ay qaadan lahaayeen kooxda RW kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Rw Rooble oo la hadlay Siciid Dani ayaa kulan ay caawa wadaqaateen Sadexda dhinac ee Cabdi Xaashi, Axmed madoobe iyo siciid Dani waxaa lagu go’aamiyay in shirka Jaraa’id dib loo dhigo, maanta oo Talaado ahna ay ka wada hadlaan sida arrintaas laga yeelayo.

Waa markii ugu horaysay oo khilaafka shirka Teendhadu banaanka u soo bixi gaaray, Waxaana RW Rooble u muuqdaa nin aad u ilaalinaya wax kasta oo shirka fashil u keeni kara.

Qodobka ugu adage ee ilaa iyo hadda laga gudbi la’yahay ayaa ah kan guddiga Gobolada Waqooyi, oo hadii aan si siman loo qaybsan ay halis galin karto sii socoshada shirka.

Mahdi Guuleed RW kuxigeenka ayaa ku dhagan in guddiga aan si siman loo qaybinin, waxaana l arki doonaa sida uu RW Rooble uga gudbo darbigaas adag.

 

Source link