XOG XASAASIYA: Farmaajo & Khayre midkood Oo is casilaya hal arin Oo sabab unoqotay Cida soo jedisey…

Muqdisho (Allbanaadirmedia)-Sida ay Xaaladu tahay waxaa lagu odorosayaa mid u qaab eg sidii ay Aheyd markii Cadaadiska la saaray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Sanadkii 2011-kii oo xilka uu baneeyey Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Kumeel gaarka ahaa.

Kampalla Accord/Kambaala Akoodh ayaa waxa uu qasbay in Siyaasad lagu qasbay farmaajo uu Baarlamaanka inta uu hortegay istaqaalada gudbiyey.

Beesha Caalamka ayaa culeys saareysa Madaxda Dawlada Soomaaliya si ay xal uga gaaran Khilaafka Siyaasadeed Ee Jira.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Waxa Madaxweyne Farmaajo la war geliyey in uu dhameeyo xurgufta kala dhaxeysa Madaxda Dawlad Gobolleedyada,inta ka dhiman Bishaan May.

Warar ayaa sheegaya in hadii ay dhici weydo sidaas ay macquul tahay in Madaxweynaha Ama Ra’iisal Wasaaraha dalka uu is casilo.

Soo fara gelinta Beesha Caalamka ay ku sameeneyso Khilaafka Siyaasadeed Ee Madaxda Soomaalida ayaa dib udhigeysa Nidaam ahaan sidii waayo laga baaqsanayey Arimahaasi.

Dad badan ayaa rumeysan in Qolyaha isku magacaaba Beesha Caalamka aysan daacad ka aheyn Awood iyo Dawladnimo Rasmi ah oo ay Soomaaliya Cagaheeda isku taagto oo ay taago si dad badan usaaraan.

 

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA