XOG: Wada-hadal u furmay Daacish iyo ganacsatada Suuqaha Bakaaraha

Kooxda hubeysan ee Daacish ayaa weli gaaf wareeg iyo culeys ku heysa ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dhawaan goobo muhiim ah oo Suuqa ka mid ah ayaa la xiray kadib markii kooxdaas ay ganacsatada weydiisatay lacag baad ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ciidan ku daadisay Suuqa Bakaaraha, balse ganacsatada waxay sheegeen in ciidanka xoogiisa uu ka laabtay suuqa oo hadda ay hal goob fariisin ka sameysteen.

Goobihii u xirmay lacagtii ay Daacish weydiisatay darteed ayaa dib loogu furay amar dowladeed, dhaqan aad loo dhaliilay oo jajuub iyo xoog ah ayey ciidanka dowladda ku wajaheen ganacsatada, laakiin taas waxaa la sheegay in aysan xal u noqon dhibaatadii taagneyd iyo lacagtii ay kooxda dalbatay.

Ciidanka dowladda federaalka ah waxay u muuqdeen inay kaliya diidan yihiin Suuqaha Bakaaraha oo u xiran Daacish darteed, laakiin ma jirin aragti dowladeed oo lagu maareyn karay mushkiladaan ayey yiraahdeen ganacsatada.

Waxaan maanta u kuur galnay waxa lagu xaliyey lacagtii ay kooxda dalbatay iyo xaalka sida uu yahay, waxaana la hadalnay qaar ka tirsan ganacsatada.

Waxay sheegeen inaan weli la xalin dhibaatadii taagneyd  “Suuqa waa la furay waa amarka dowladda oo weliba xoog lagu daray, laakiin weli kooxdii lacagtii ayey rabtaa,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatadii aan la hadalnay.

“Maadaama aysan dowladda noola imaan qaab wax lagu xalin karo, waxaan ku qasbanaanay inaan anaga xal raadino, guddi ayaan u saarnay arrintaan, waxaan ku heshiinay in 15 maalin lagu xaliyo howsha taagan, guddiga waxay la fariisanayaan kooxda, waxayna kala doodayaan habka ugu macquulsan ee lagu kala badbaadi karo, laguna macaamilo karo, waxaan ku qasbanahay inaan kooxda la hadalno oo aan is xalino si aan u ganacsano” ayuu yiri ganacsadahaas.

 

Maxaa ka dhallan kara tallaabada lagula heshiinayo kooxda?

Sida muuqato, qorshaha ganacsatada waa inay si toos ah ula heshiiyaan kooxda Daacish, iyagoo eeganaya naftooda iyo maalkooda.

Halkaan waxaa ka dhalanaya inay Xamar ku waajibeyso canshuur seddexaad, maadaama ay horay u hirgashay midii Al-Shabaab, waxaa kaloo ka dhallan karta inay abuurmaan kooxo kale oo lacag doon ah oo magacyo cusub leh, balse dhibaatada ugu weyn ee arrintaani waa sare u kaca nolosha magaalada.

Mar walba oo ay badato baada laga qaadayo ganacsatada waxay iyaguna ku qasban yihiin inay qiimo sare wax ku iibiyaan badeecada, taas oo shacabka ku badineyso culeyska. Waxaa kaloo ka dhallan karta inay ganacsiyada qaar xirmaan.

Dowladda iyo canshuurta sedaxaad

 

Hey’adaha ammaanka ee dowladda federaalka ah waxaa lagu eedeenayaa in aysan heysan qorshe si dhab ah wax looga qaban karo dhibaatooyinka kooxahaan hubeysan.

Mar walba oo ay kooxuhu helaan lacag waxay dhiira gelineysaa inay sii jiraan oo ay geystaan dhibaatooyin amni.

Madaxda dowladda federaalka ah ayaa si weyn ugu mashquulsan arrimaha doorashooyinka iyo danahooda gaarka ah, waxayna taas keentay inay kooxahaan helaan dariiq nabad ah oo ay ku shaqeystaan, maadaama ay dowladdii iyagu isku mashquulsan tahay.

Xamar oo aan amni aheyn, waddooyinka badi xiran yihiin wax horumar bulsho oo la taaban karana aan loo sameyn ayaa maanta u muuqata inay aqbaleyso inay bixiso seddex lacagood oo kala duwan, waa laba baad ah iyo mid canshuur ah.

Kooxda Daacish waxay maanta mareysaa ganacsatada, haddii aan arrintaan wax laga qaban oo la aqbalana sida Shabaab-ka ayey berrina bilaabi doonaan lacagaha laga qaado qeybaha kale ee magaalada.

Maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo wasaaradda arrimaha gudaha wax aragti ah kama lahan sida muuqata dhibaatadaan socota, umana eka kuwo ku mashquulsan inay xal u raadiyaan dhibkaan

 

Source link