Home Warka Maanta XOG SIR AH: Qarax lala damacsan yahay Rooble ,Cumar Filish & Hoteelo...

XOG SIR AH: Qarax lala damacsan yahay Rooble ,Cumar Filish & Hoteelo Caan ah

Xog sirdoon oo la helay ayaa sheegeysa in shan gaari oo ismiidaamin lala damacsan yahay ay magaalada Muqdisho soo galeen dadkana loogu baaqay inay feejignaadaan.

 

Shaqaalaha Qaramada Midoobeey ee kusugan Xerada Xalane ayaa lala wadaagay fariimo amni si ay uyareeyaan dhaq dhaqaaqooda gaarka ah.

 

Meelaha sida gaarka ah farta loogu goday waxaa ka mid ah oo ay qaraxyada ka dhici karaan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Xarunta Gobolka Banaadir,Godka jilicoow,Hoteel Dorbin,Hoteel Jasiira,SYL Hotel,Agagaarka Isgoyska Dabka,xeebta Liido & Goobo kale ayaa laga yaabaa inay qaraxyo ka dhacaan.

 

Hay’adaha Amniga dawlada Soomaaliya ayaa feejignaan badan sameenaya si ay uga hortegaan qaraxyada laga digay inay ka dhacaan Xamar.

 

Sirdoonka Ajaanibta ah ee ka howlgala xerada Xalane ayaa sheegay in 5-ta oo maanta ah ilaa 8 September ayaa laga digay in Al Shabaab ay qaraxyo ka dhacaan Muqdisho.