Home Xogta Dahsoon XOG: Senetaro Caan ah oo iskaga haray tartanka Golaha Shacabkana ku biiraya

XOG: Senetaro Caan ah oo iskaga haray tartanka Golaha Shacabkana ku biiraya

Dood adag ayaa hareysay soo xulista xubnaha doorashada Aqalka sare utaagan gaar ahaan Galmudug oo ah meesha isha lagu wada hayo waxaana soo baxaya warar dheeraad ah.

Inkastoo madaxweyne qoor qoor laga sugayo liiska inuu soo gudbiyo hadana waxaa jirta xog sheegeysa in Senetaro qaarkood la reebi doono.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa la sheegay in uu weli xal mastuur wado islamarkaana wax badan la xeeriyey oo xaalka ay noqon doonto mid awood siyaasadeed adeegsan doono.

Senetar Yuusuf Geelle Ugaas oo loo yaqaano Dhageey ayaa waxa macquul ah inuu ka haro doorashada aqalka sare sida ay beesha duduble sheegtayna weli go’aan taas lagama gaarin.

Dhageey oo saaxiibkiis Axmed Dhuxuloow Dhag dheer ayaa 17 sano ay is garab fadhiyeen siyaasada laga yaabaa inay kala irdhoobaan,iyadoo dhag dheer ay ubadan tahay in dib aqalka sare lagu soo doorto.

Dhinaca kale Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo reer Caabud waaq ah ayaa isna macquul ay tahay in laga reebo Aqalka sare.

Goonjeex iyo Dhageey ayaa luminaya kuraasta Aqalka sare iyagoo udigo rogan doona golaha shacabka baarlamaanka 11aad Ee Soomaaliya.

Wax kasta waa ay isbedeli karaan,iyadoo cid walbo ay dooneyso inay guusha hesho.

Source link