XOG: Rooble oo shir saxaafada laga qariyey la yeeshay odayaal ka yimid Gobolka Gedo

Ra’iisul wasaaraha jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan albaabada uxirnaa la qaatay Odayaasha dhaqanka Gobalka Gedo.

Shirkaan oo saxaafada qeybaheeda kala duwan laga qariyey ayaa odayaasha waxa hogaaminayey Ugaaska beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi & waxgarad kale oo beesha mareen ku abtirsada.

Kulanka waxay Badweytims ogaatay in si qoto dheer looga arinsaday doorashada loo ballansan yahay inay ka dhacdo Magaalada Garbahaareey.

R/wasaare Rooble ayaa dhageystay cabasho ay soo gudbiyeen odayaasha la shiray iyo sida ay udhici lahayd loogana gudbi lahaa caqabdaha hortaagan doorashada ay soo bandhigeen.

Engineer Rooble ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu hirgelinayo heshiiskii 17-kii September 2020-kii lagu gaaray Muqdisho islamarkaana uu dhameyanayo culeysyada doorashada ku horgudban taas oo laguna qabanaayo doorashadeeda kuraasta taalla Garbahaareey.

Odayaasha ayaa ku qancay ballan qaadka Ra’iisulwaasare Rooble iyagoo uga mahadceliyay sida uu soo dhaweyay cabashadoodna uu udhageysatay.

Ilo wareed ka ag dhawaa shirkaasi ka dhacay Muqdisho waxay sheegeen inay macquul tahay R/wasaare Rooble inuu tego Garbahaareey si uu buuqa jiro uxaliyo.

10-kii bishii july sanadkii hore ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu horkacayey gaareen garbahaareey,8 bil gudaheed ayuuna markii labaad tegayaa xilli Madaxweyne Farmaajo uusan weli tegin magaaladaasi shan sano iyo bil uu xilka qaranka hayey.

 

Source link