Home Xogta Dahsoon XOG: Rooble oo qorsheenaya in xilka qaadis deg deg ah Sameeyo &...

XOG: Rooble oo qorsheenaya in xilka qaadis deg deg ah Sameeyo & Jahwareerka jira




Iyadoo kulamo gaar gaar ah caawa ka socdaan Madaxtooyada labada xafiis ee farmaajo iyo Rooble ayaa hadana waxaa jira guux kale oo la helay.

Warbaahinta Dawlada ayaa umuuqata mid si gaar ah ula safatay galabta R/wasaare Rooble maadaama Wasiir Dubbe oo katirsan Xukuumada Rooble uu maamulo.

Qodobkaan oo la geliyey warbaahinta dawlada waxa uu sahal uga dhigayaa Rooble inuu qaadi karo xil ka qaadis saraakiil katirsan Laamaha Amniga.

Awooda uu sheegay Rooble galabta in isaga dalka uu xukumo ayaa waxa ku xigi karta inuu xilka ka qaado Saraakiil aad ugu dhawaa Farmaajo kuwaas oo kala ah taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Taliyaha Booliska General Xijaar.

Labo Todobaad ka hor Rooble oo isticmaalayey Awoodiisa xil fulinta iyo inuu dalka doorashadiisa iyo Amnigiisa hayo ayuu xilka ka xayuubiyey Taliye kuxigeenkii NISA C/llaahi Aadan Kulane oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo.

Xaalada cakiran iyo khilaafka Labada Mas’uul ka dhex jira hadda ayaa la isku dayayaa in la xaliyo iyadoo Beesha caalamka ay soo fara gelin doonaan sida xogaha ay Allbanaadir Media ku ogaatay.



Source link