XOG RASMI AH: Beesha Caalamka oo war lama filaana ah ka soo saari doonta xalada dalka soomaaliya Hanjabaad adagna u diridoonta…..

Garowe (Allbanaadirmedia)-Warar ay heshay Allbanaadirmedia.com ayaa daaha ka rogaya in ay wakiilada caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo lahaa sababta loo qabtay kulanka fashilmay ee Hoggaamiyaasha Soomaalidu ku lahaayeen magaalada Garoowe, ay aad uga walaacsan yihiin waxyaabaha dhacay.

Wararku waxay sheegayaan in Wakiilada dawladdaha Mareykanka, UK, Midowga Yurub ay yihiin kuwa ugu badan ee isha gaarka ah ku haya wada hadalada Garoowe ay hadda qaadayaan talaabo deg deg ah oo ku wajahan waxa dhacay.

Safiirka dawladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo dhawaan Nayroobi kula kulmay dawlad gobaleedyada, si loo xaliyo khilaafka Soomaalida dhexdeeda ah, ayaa ku cadaadiyey in ay Puntland dhigto gogol wada hadal oo halkaas ay ka soo baxaan go`aamo dhiancyadu isku raacsan yihiin.

Fashilka hareeyey shirka Garoowe, ayaa hadda Beesha Caalamku u aragtaa mid banaanka soo dhigay heerka hoggaamineed ee ay dawladda Faderaalka SOomaaliya doonayso in ay ku maamusho dalka, taas oo ay ka soo horjeedaan dawlad gobaleedyada.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Midowga Yurub iyo dawladda Ingiriiska ayaa horey welwel uga muujiyey hab dhaqanka siyaasiga ah ee dawladda Faderaalka, waxayna UK horey u cambaaraysay doorashadii Baydhabo, Xarigii Musharaxiinta qaarkood iyo faragalin ay sheegen in ay wado Muqdisho.

Mid kamid ah Siyaasiinta Soomaalida oo ka gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay warsidaha Puntlandtimes.com in si rasmi ah loogu sheegay Madaxweynaha iyo Rayalwasaaraha Soomaaliya in haddii aan wax ka soo bixin shirka Garoowe, ay xaaladda Soomaaliya is bedeli doonto oo ay wax kasta adkaan doonaan.

Warka laga sugayaa Beesha Caalamka ayaa leh walaaciisa, waxaana dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ay ka dhigan yihiin kuwa aan waji wanaagsan u horseedeyn Madaxtooyada Soomaaliya, oo aad uga walaacsan habka ay xaaladdu kusii durkayso.

Hoggaamiyaasha Soomaalida ayaa ku shirsanaa magaalada Garoowe lixdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana gabi ahaanba guuldareystay shirkaas in ay ka soo baxaan go`aamo ay ku qanacsan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

 

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA