XOG: Qorshaha Imaaraat-ka Ee Kulmineysa Deni,Madoobe,Rooble & C/raxmaan C/shakuur

Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kuwajahan Dalka iskutaga imaaraat-ka carabta.

Halkaasi waxay noqotay Nairobi oo kale markii murashaxiinta xildoonka ah Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iska soo abaabuli jireen.

Iskutaga imaaraat-ka carabta ayaa dhisaya murashax gaar ah oo ay rabaan in Madaxtinimada soomaaliya kusoo baxo waxaana ay kulmisey qawaamuurta ugu saameynta badan siyaasada Soomaaliya xilligaan.

Feylasuufka C/raxmaan C/shakuur ayaa qudhiisa looga yeeray Dubai kana mid ahaa safarkii shalay Wafdiga R/wasaare Rooble hogaaminayey sida xogaha lagu ogaaday.

Warar la helay ayaa sheegaya in Xukuumada Abu dhabi ay ka fekireyso kala doorashada Deni,Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo C/raxmaan C/shakuur Shakhsigii ay cimaamadooda ku hagoogi lahaayeen.

Rooble hore ayuu usheegay inuusan murashax aheyn balse waxaa warar soo baxay la ogaaday in lagu qanciyey in saameyntiisa siyaasadeed hadda uu leeyahay ka faa’iideysto iskuna sharaxo xukunka dalka.

Xisbiyada mucaaradka Wadajir ayaa hadda cilaaqaat-ka ugu badan la leh iskutaga imaaraat-ka carabta waana mida usahli karta inuu dhaqaale xukunka dalka iskugu sii taago ka helo.

Laba bogleynta siyaasadeed Ee iskutaga imaaraat-ka carabta waa mid laga digayo maadaama Qatar xinka ay ku hayaan ay murashaxiintaasi ku doonayaan inay ku dhabar jebiyaan iyo in la hor istaago Farmaajo dib usoo noqda.

Lama saadaalin karo waxa soo kordhi kara marka la eego Qorshaha Iskutaga Imaaraat-ka,Dagaalka Dawlada Qatar,Kenya oo murashaxiin gaar ah wadata iyo sacuudiga oo qudhiisa markaan hanqal taaga Siyaasada Soomaaliya dib usoo nooleeyey.

 

Source link