Home Xogta Dahsoon XOG: Qoor qoor oo raadinaya xilka madaxweynaha Soomaaliya & Cida taageeraysa

XOG: Qoor qoor oo raadinaya xilka madaxweynaha Soomaaliya & Cida taageeraysa




Iyadoo doorashada Soomaaliya isha lagu wada hayo ayaa hadana waxaa jira murashaxiin hami sare ka leh inay tartanka guulo ka gaaraan.

Xildhibaano gaaraya 29 Senetar ayaa lasoo doortay iyadoo 25 kale ay dhiman yihiin in lasoo doorto waxayna ibo fur u aheyd doorashadaasi mida baarlamaanka Dalka.

Golaha murashaxiinta waxay saluugeen meelaha qaar sida ay doorashada aqalka sare uga qabsoontay balse badankood ayaa u hambalyeeyey xubnaha lasoo doortay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo murashaxiinta utartameysa madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo madaxtooyada Dhuuso mareeb howlwadeeno ka shaqeeya aan weydiinay arintaan ka gaabsadeen hadana xogtaan ayaa lasoo suuq geliyey.

Beesha Habar gidir uu ka dhashay qoor qoor ayaa waxa uu taageero kaga helayaa R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble sida la tilmaamayna galaan gal muuqda ayuu ku leeyahay is sharaxida qoor qoor.

Hore waxaa loo soo shaac bixiyey in siciid deni uu doonayo murashaxnimadiisa Madaxweynaha Soomaaliya 2021-ka balse ilo ka ag dhaw ayaa taasi beeniyey inay jirto.

Qoor qoor xitaa haduu ka dhabeeyo murashaxnimadiisa waxaa la sheegay inuu codka uu heli doono taageero kusiin karo saaxiibkiisa usahlay in Galmudug Madaxweyne ka noqdo waa Xasan Cali Kheyre oo qudhiisa madaxweyne raadinaya.

Lama saadaalin karo cida guuleysan doonta madaxweynaha soomaaliya balse waxaa jirta dibin daabeyn siyaasadeed oo la maleegayo cida ku dhici doonta ayaana la ogaan karin.

 



Source link