XOG: Madaxweyne Farmaajo oo safar deg deg ah ugu wajahan Dalka Imaaraat-ka

Badweytims ayaa xog hoose ay ka heshay Madaxtooyada Soomaaliya waxay xaqiijineysaa in Madaxweyne Farmaajo uu safar ku tegi doono magaalada Abu Dhabi Ee dalka iskutaga imaaraat-ka Carabta.

Ilo wareedka aan ka helnay Villa Soomaaliya ayaa sheegay in ay xaqiijinayaan keliya in safarkaasi uu jiro balse aysan faah faahin kale ka bixin karin.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee UAE ku tegayo waxaa raaci doona xubno katirsan dhinacyada aadka ugu dhaw,lamana oga wakhtiga ay baxayaan iyo ujeedka rasmiga ah dalkaasi utegayo.

Warar ayaa sheegaya in sanado kadib xiriirkii xumaa Farmaajo iyo Iskutaga imaaraat-ka carabta ay dhameyn doonaan khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex jiray.

Dhawaan ayaa xiriirka udhaxeeyey Dalka Iskutaga imaaraat-ka carabta iyo Soomaaliya uu dib usoo laabtay markii uu raali gelin siiyey R/wasaare Rooble maadaama ay iyagu Xukuumada Abu Dhabi ay gar gaar soo gaarsiiyeen Soomaaliya.

Tani ayaa shaki siyaasadeed abuureysa oo ku aadan xiriirkii ka dhaxeeyey Dawlada Qatar iyo Villa Soomaaliya,waana mid keeneysa in durba la isweydiiyo sababta Farmaajo utegayo Imaaraat-ka carabta.

Waa suurta gal inuu isbadel ku yimaado socdaalkaasi balse waxaa dadka ka ag dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegeen in ololihii ugu dambeeyey dib udoorashada Madaxweyne Farmaajo la bilaabay geed dheer iyo mid gaabana loo kori doono guushaasi.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa utaagan jagada gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha Shacabka baarlamaanka 11aad waa hadii loo fasaxo kursiga uu kusoo baxay oo buuq laga daba keenay lana hakiyey sax ahaanshiyaha doorashadaasi.

 

Source link