Home Xogta Dahsoon XOG: Liiska Murashaxiinta aqalka sare ee Puntland oo Morgan & Wasiiro lagu...

XOG: Liiska Murashaxiinta aqalka sare ee Puntland oo Morgan & Wasiiro lagu arkay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaai Deni ayaa waxa uu soo gudbin doonaa liiska murashaxiinta utaagan golaha Aqalka sare ee Puntland deeganaadeeda ka imaan doona.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in lasoo bandhigo murashaxiinta ubaratameysa doorashada Aqalka sare ee Deni uu soo magacaabay.

Wasiiro iyo siyaasiyiin caan ah ayaa raadinaya inay sanadkaan ka mid noqdaan golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad Ee Soomaaliya.

Liiska murashaxiinta la qoray waxaa lagu dhex arkay magaca general Maxamed Siciid Xersi (Morgan) oo Dawladii Dhexe Sargaal sare kasoo ahaa.

Dadka yaqaana siyaasada Deni waxay ku tilmaameen in Morgan uu hore ugu ballan qaaday Senetor inuu ka dhigi doono,sida muuqatana waa uu kaga dhabeyn doonaa arintaasi.

Hore Aqalka sare waxaa ugu jiray Dr C/raxmaan Faroole oo hore Maamulka Puntland kaga soo noqday Madaxweynaha Puntland,mar kalena inuu soo laabto ay ubadan tahay.

 

Source link