XOG: Isbadel ku yimid Qorshe Farmaajo & Lafta gareen wadeen xilli murashax laga dhigayo…

Xogaha hoose ay heshay Badweytims  ayaa sheegeysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay bedeshay qorshe la doonayey in Afhayeenka cusub baarlamaanka laga dhigo shakhsi hal adeegiisa la ogaa.

Nabad iyo nolol ayaa hadda waxay dejisey istaraatiijiyad kale oo ah In Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta gareen xildhibaan laga dhigayo.

Markii hore Farmaajo iyo Lafta gareen ayaa u arkayey in Dr Cali Siciid Fiqi Afhayeenka Golaha shacabka uqalmo in loo doorto balse warkaasi war baa ka daba yimid.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Lafta gareen ku cadaadineysa inuu is sharaxo si isaga looga dhigo Gudoomiyaha Cusub baarlamaanka 11aad Soomaaliya.

Si loo helo saaxiib mabda’iisa ka run sheegi kara waxay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin isku raacsan yihiin in Lafta gareen lasoo saaro.

Dib marka loo eego heshiis hoose oo bilo ka hor dhexmaray Lafta gareen,qoor qoor iyo Deni mar ay kusugnaayeen Baydhabo ayaa ahaa in la is taageero.

Markaas waxa lagu ballamay in Gudoomiyaha Baarlamaanka hadii ay suurta gal noqon karto lagu caawiyo C/casiis Lafta gareen.

Ma cada in go’aanka is sharaxida madaxweynaha KGS ee ah Xildhibaanimada golaha shacabka iyo in kale,xilli kuraasta udambeysay Baraawe la shaaciyey cida kursiga uu ka qaadan doono ayaana la ogeyn.

 

Source link