Home Warka Maanta XOG FULL Qudbadii Janan Dignin Kenya iyo Jubaland u Diray Guusha Janan...

XOG FULL Qudbadii Janan Dignin Kenya iyo Jubaland u Diray Guusha Janan Gedo Uga Dhigan tahay

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xilka ka qaaday wasiirkii amniga maamulkaas, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, ka dib markii ay soo baxday in uu la heshiiyay dowladda Federaalka.

Janan ayaa dowladda dagaal kula jiray tan iyo markii uu ka soo baxsaday xabsigii Muqdisho ee uu ku xirnaa. Cabdirashiid Janan wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan maamulka Jubbaland ee tiirarka adagna u ahaa.

Hadda waxaa la filayaa in Muqdisho la geeyo, balse lama oga waxa dhabta ah ee dowladda uu kula heshiiyay. Dowladdana ma aysan sheegin waxa laga yeellayo maxkamadeyntii ku socotay iyo “dembiyadi” ay horey ugu eedeysay.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:info@allbanaadirmedia.com

 

Source link