Home Xogta Dahsoon Xog: Farmaajo oo ka guuraya Villa Soomaaliya iyo xaalad culus oo soo...

Xog: Farmaajo oo ka guuraya Villa Soomaaliya iyo xaalad culus oo soo korortay




Waxaa xalay xiran dhamaan wadooyinka magaalada Muqdisho iyadoo isgoys walba la dhigay ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Farmaajo.

Xogo gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Farmaajo uu u guurayo wasaaradda Gaashandhigga oo xoogaa ka yara baxsan magaalada Muqdisho islamarkana ku taala meel u dhaw degmada Dayniile.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in sababta uu u guurayo ay tahay cabsi amni oo soo wajahday maadama Ra’isul Wasaaraha uu garabkiisa ka baxay islamarkaana uu ka hor yimid sharci uu soo saaray.

Waxaa dhanka kale lasoo sheegaya in dhaqdaqyo ciidan ay ka socdaan magaalada wararka qaar ayaa sheegaya iney suuragal tahay in Berri laga hor istaago Rooble inuu u dhoofo magaalada Muqdisho.

Lama oga sida uu xaalka ku damebyn doono ama uu isku badali doono balse la soco Allbanaadir Media.com.



Source link