Xildhibaano ku goodiyey inay mooshin ka keenayaan Madaxweynaha

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, iyadoo ay garbihiisa taagan yihiin xildhibaano kale oo badan ayaa ku hanjabay in hadii xilka Madaxweynaha ay dib u eegis ku samey doonaan hadii sidaan aan wax laga bedelin.

“Dadku ma fahansana mooshin, laakiin baarlamaankaa ku shaqeeya oo wax ku toosiya, waxaana isticmaali doonaa awoodeena inta sharcigu noo ogolyahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad oo isla xisaabtan ugu hanjabay madaxda ugu sareysa dalka.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ku eedeeyey inay dalka la habaabeen, isagoo xildhibaanada ugu baaqay inay gutaan waajibaadka qaran oo ay u dhaarteen, kuna dhaqaaqaan sidii loo badbaadin lahaa dalka.

“Waxaan idiin cadeynayaa baarlamaanka uu kalfadhigiisu furmay waxay isku diyaariyeen isla xisaabtan adag, xildhibaanadu waxay dareensan yihiin in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay dalkii la habaabeen, waxaana u taaganahay inaan wax saxno,” ayuu yiri Cabdisamad Macalin.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdisamad ayaa sheegay in xildhibaanada loola dhaqmo si aad u liidata markii ay marayaan jidadka Muqdisho, isagoo ku goodiyey in arrintaas ay degdeg wax uga qabanayaan.

“Xildhibaanada baarlamaanka 11-aad waxay noqdeen dadka xasaanada leh kuwa ugu liita ee dalka ku nool, waxaa lagu furtaa oo lagu handadaa jidadka, intaan ka badan ma sii dulqaada doono, laguma sii tuma doono sharafteena,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaano badan ay hadda u diyaarsan yihiin in xaaladda sidaan laga bedelo, isla markaana ay ku dhaqaaqi doonaan hadii ay la noqoto inay dantu ku jirto in madaxweynaha xilka laga qaado.

“Xildhibaano aad u badan ayaa hadda u diyaarsan inay xaaladaan wax ka bedelaan, iyadoo hadii ay la noqoto in dib loo eego xilka madaxweynaha ay sameynayaan, xaqna waa u leeyihiin,” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa intaas ku sii daray, “Wax kasta ayaa la soo maray tan ugu daran waa in Qabuurihii lasoo fagayo maanta, ma jirto meel ka dambeysa in kii noolaa iyo kii dhintay ay baxsa la’yihiin, sidaan looma dul qaada karo, xildhibaanada waxaa ka go’an inay badbaadiyaan dadka ay u dhaarteen.”

Hoos ka daawo



Source link