Xildhibaan C/raxmaan c/shakuur oo kashifay sirta la qariyey heshiiska shidaalka la saxiixay





Murashax madaxweynaha soomaaliya Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxa uu shir jaraa’id uu qabtay kaga hadlay heshiiska shidaal qodista ah ee Dawlada Soomaaliya la gashay shirkada coastline.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakkuur ayaa ugu horeyn sheegay lacagta la qariyey ee heshiiska shirkada warsaxaafadeedkeeda ku muujisey taas oo 7 xirmo lagu iibinayo 14 milyan dollarka mareykanka ah iyo labo milyan oo shaqada lagu qabanayo.

Tirada lacagtaas ayaa ah 16 milyan oo dollar waxaana uu si qoto dheer uga hadlay halista ka imaan karta hadii tani laga aamuso eedeyn culusna ujeediyey Madaxweyne Farmaajo.

Mr Shakuur ayaa sheegay in Farmaajo uu dhowr jeer inkiray heshiisyo uu amray isagoo ka digay in shufto qaranka baayaceysa ay joogaan.

HALKAAN HOOSE KA Daawo




Source link