Xil wareejin maanta ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca dalka xilka ugu kala wareejiyey wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda gaashaandhigga iyo kii hore.

Wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda Cumar Cali Cabdi ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda Cabdinuur Daahir Fiidow.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa ku ammaanay wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Cabdinuur Fiidow shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay inta uu xilka hayay.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu wasiiru-dowlaha cusub u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibkiisa shaqo ee cusub.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan howl-wadeennada wasaaradda in ay si dhow ula shaqeeyaan wasiiru-dowlaha cusub, islamarkaana ay si daacadnimo iyo daah-furnaan leh ugu adeegaan Qaranka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu Cumar Cali Cabdi u magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga.

Cumar Cabdi ayaa kamid ahaa illaa afar xubnood oo cusub oo kusoo biiray golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana magacaabistiisu imaaneysa xilli xasaasi ah oo dalka ku jira dagaal.










Source link